Kooraskan waxaad ku baranaysaa barnaamijyadan: Basic Forex, Technical Forex, Intermediate Forex & Advance Forex. Waxaad kale oo baran sida khatarta la isaga ilaaliyo, iyo nidaamyada suuqa.
Forex, oo ah soo gaabin ah "Foreign Exchange," waa suuq caalami ah oo lagu kala iibsado lacagaha aduunka. Forex Trading waa hab ganacsi oo lagu beddelo lacagaha iyadoo laga faa'iidaysanayo isbedelada qiimaha lacagaha. Suuqa Forex wuxuu ka mid yahay suuqyada ugu waaweyn caalamka ee lacagaha lagu kala iibsado, waxaana la sameeyaa ganacsiyo qiyaastii $6 trillion maalin kasta. Ganacsiga noocan ah wuxuu u furan yahay ganacsatada kuwaas oo raadinaya inay ka faa'iideystaan isbeddelada qiimaha lacagaha kala duwan ee dalalka aduunka.
Write a public review